Digital Marketing (Suuq-geynta Dijitaalka ah).
Digital marketing waa qayb ka mid ah suuq-geynta oo adeegsata teknoolojiyadaha dijitaalka ah sida kombiyuutarrada, taleefannada gacanta, iyo aaladaha kale ee dijitaalka ah si loogu xayeysiiyo loona suuq-geeyo badeecooyin iyo adeegyo.
Tan iyo sannadihii 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii, digital marketing wuxuu si weyn u beddelay habka shirkadaha iyo summadaha (brands) u isticmaalaan teknoolojiyadda suuq-geynta. Markii baraha dijitaalka ah ay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah nolol maalmeedka dadka iyo qorshayaasha suuq-geynta, dad badanna ay bilaabeen isticmaalka aaladaha dijitaalka ah halkii ay si toos ah u booqan lahaayeen dukaamada, ololayaasha digital marketing-ka ayaa aad u kordhay.
Qaar ka mid ah hababka loo adeegsado digital marketing waxaa ka mid ah:
SEO (Search Engine Optimization)
SEM (Search Engine Marketing)
Content Marketing
Influencer Marketing
E-commerce Marketing
Social Media Marketing
Email Marketing
Display Advertising
Digital marketing kuma koobna internet-ka oo keliya, balse wuxuu sidoo kale gaaraa kanaallo kale oo dijitaal ah sida telefishinka, fariimaha SMS/MMS, iyo adeegyada kale ee mobilada.
Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya Digital Marketing iyo Online Marketing waa in digital marketing uu ku jiro dhammaan kanaallada dijitaalka ah (internet iyo kuwa aan internet-ka ku xirnayn), halka online marketing uu ku kooban yahay internet-ka oo keliya.
0 Comments